Faah faahino dheerad ah oo ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ΓΒ lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo ku sii jeeday deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ayaa waxa lala eegtay qarax Mmiinada nooca dhulka lagu aaso ah sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deeagnka.
Qaraxaas ayaa dadka deegaanku waxa ay sheegen in ay maqlayeen jugtiisa balse aysan ka warheyn khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas, waxaana war ay ku qoreen Barta Internet-ka ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku waxyeelooben Ciidamo ka tirsan kuwa AMSIOM.
Faah faahino intasi dheer lagama helin qaraxaas balse,Masuuliyiinta Maamulka degmada Mahadaay oo aan la xiriirnay ayaanan ka jawaabin taleefoonadeena.