Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir qaraxaas oo geestay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay radio dalsan u sheegeen in qaraxaan uu ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin  kaas oo ahaa Gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa kaas oo la dhigay meel aan ka fogeyn Iska Cali Kamiin.
Sidoo kale weli sidhab ah looma ogaan khasaaraha uu geestay qaraxaas balse warar ka soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in qof haweeney ah ay ku dhaawacantay qaraxaas.
Goobta ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo daqiiqado kooban howlgal halkaasi ka sameeyay.
Dhanka kale waxaan xiriir la sameynay Maamulka degmada Wartanabada si aan wax uga ogaano faah faahinada qaraxaas balse kama aysan jawaabin taleefoonadeena.