Dabkan xooganaa oo xalay saqdii dhexe ka kacay suuq weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Kabahaayaa geystay qasaare hantiyadeed.
Intii debka uu socday waxaa ku gubtay goobo badan oo ganacsi ayadoo weli aan la xaqiijinin sababta dhabta ah ee dhalisay debkaasi,ganacsatadii goobohoodi debka uu ka kacay ayaa la soo gudboonaatay walwal iyo murugo ku aadan qasaaraha ka soo gaaray halkaasi.
Goor dambe saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in debkaasi la damiyo kadib markii Gaadiidka Dab damiska iyo dadaweyne aad u farabadan kuwaasi oo iska kaashaday sidii debkaasi loo demin lahaa.
Majiraan qasaare nafeed oo laga soo sheegayo in uu dhaliyay debkaasi, marka laga soo tago qasaare maaliyadeed oo xoogan, sida ay sheegayaan ganacsatada suuqaasi.
Gubashada Suuq Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid aad u soo laalaabatay ayadoo,taasi oo ilaa iyo hadda dhalisay in dadku ay ku jahwareeraan sababaha keena debkan oo soo noqnoqday.