Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan waaberigii hore ee saakay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho.
Israsaaseynta ayaa sigaar ah uga dhacday Isgoyska Dabka ee Muqdisho, waxaana la sheegay in rag hubeysan iyo Ciidanka Nabadsugida dowladda ay mur qura rasaas isku bilabeen, kadibna ragga hubeysnaa ay goobta baxsadeen.
Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in saddex ruux oo loo maleynayo inay ahaayeen dad shacab ah ay goobta ku dhinteen, kuwaasi oo Isgoyska mararyay xiligii uu falkaas dhacayay, isla markaana rasaasta ay haleeshay.
Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Dabka ayaa tegay halka falku ka dhacay, waxaana la tilmaamay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen dad dhowr ah oo u badan dhalinyaro.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku saabsan Israsaaseyntii Khasaaraha geysatay ee saakay ka dhacday Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ay Israsaaseyn ku dhexmartaa Ciidanka amniga dowladda iyo rag hubeysan, waxaana mararka qaarkood Israsaaseynta khasaaro kasoo gaartaa dadka shacabka oo goobta ka Agdhow.