Wararka aan ka heleyno deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag ayaa wxaa ay sheegayaan in maanta halkaas ay ka dhacday Israsaaseyn kooban oo Khasaaro geystay.
Israaaseyntan ayaa dhexmartay dad Careysan iyo Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Maanta gaaray deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadkan uu ka dambeeyay kadib markii dad Careysan kuna sugan Midigale ay banaanbax uga hortegeen Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil, waxaana Ilaaladiisa ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa waday, iyagoona iska caabiyay.
Ugu yaraan Afar Askari uu kamid yahay Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Maamulka Puntland sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ku dhaawacmay Israsseyntii ka dhacday deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibrii ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku wajahan yahay Magaalada Badhan, waxaana ka socda Banaanbax xoogan oo looga horjeedo Safarkiisa.