Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Haweeney Caawa lagu dilay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafad ka tirsan Deyniile, isla markaana waxaa haweeneyda u geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in haweeneyda la dilay ay kamid aheyd dad kusoo baxay dagaal gacan ka hadal oo dhexmaray laba cidood oo deris ah, hayeeshee Askarigan uu toogtay haweeneyda xili ay goobta ku sugneyd.
Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hani Ismaaciil Yuubane, iyada oo kamid aheyd dadka deegaanka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Askarigii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday, waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Deyniile.
Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiliyada qaarkood si bareer ah dadka shacabka dilal ugu geysta gudaha Magaalada Muqdisho.