Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana waxaa Guddoomiyihii Maxkamadda Shabeellaha Hoose u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa gudaha degmada Wadajir.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Siciid Cumar Xasan Subeyr,waxaana si deg deg ah goobta uu falka ka dhacay uga baxsatay kooxihii ka dambeeyay dilkaas.
Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka,isla markaana waxaa ay sameeyeen baaritaano kooban oo ku aadan dilkaas,hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falka.
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.