Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ruux hubeysan uu halkaas ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade Caan ah.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in ganacsadaha la dilay uu ahaa Nin Caanka ah Cadaado,isla markaana waxaa toogtay Nin ku hubeysnaa Qori AK-47.
Sidoo kale Ganacsadaha ayaa waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi uuku yaalla Barlamaha Cadaado,waxaana uu u geeriyooday rasaas dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.
Wararla helayo ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Liiban Xasan,kaasi oo kamid ah dadka deegaanka,waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydka ka qaaday qaar kamid Eheladiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Cadaado ayaa gaaray halkaas,isla markaana sameeyay baaritaano kooban oo ay ku raadinayan ruuxii ka dambeeyay dilkaas,iyagoona ku guuleystay inay soo qabtaan Ninkaas,waxaana haatan lagu xiray Xabsi ku yaalla halkaas.