Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen, isla markaana waxaa uu qaraxu ku qabsaday inta u dhexeeysa deegaanka Ceeldheere iyo Magaalada Dhuusamareeb.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa qaraxa dhacay, waxaana la xaqiijiyay in dhowr qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ay waxyeelo kasoo gaartay, waxaana gebi ahaan burbur gaariga, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanka Ceeldheere iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.