Xalay fiidkii ayaa waxaa diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Mareykanka waxa ay duqeyn ka geysteen deegaan duleedka ka ah degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Diyaaradaha ayaa dad ku sugan Buurhakaba waxa ay sheegeen inay ka geysteen duqeynta deegaan 35km u jira degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee wararka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka duqeynta laga fuliyay Al-Shabaab ay ku hayaan dad ay dhawaan xir xireen.
Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab intaba weli kama hadlin duqeynta xalay diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Buurhakaba.
Todobaadkaan gudihiisa Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya,waxaana maalin ka hor uu duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo uu sheegay in uu ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.