Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa ay gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Shacab.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay dilka lagu fuliyay Ninka xili uu ku sugnaa Nawaaxiga Xaafada Dabaqeenka ee Degmada Dharkeenley,isla markaana qeybaha sare ee Jirkiisa looga dhuftay dhowr xabadood,isagoona goobta ku geeriyooday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkan ay goobta uga baxsadeen Mootada loo yaqaano laba lugaaleyda oo ay wateen.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Ninkan la toogtay lagu magacaabay Allaha u naxariistee Maxamed Cali Nuur,kaasi oo kamid ah dadka deegaanka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda iyo dadka shacabka,waxaana inta badan Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.