Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo Askari ka tirsan Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ku dilay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan halkaas, isla markaana rag hubeysan ay toogteen Askariga, isagoo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.
Ragii ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Meydka ka qaaday halkaas.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka loo geystay Askariga, iyagoo tilmaamay in falka kadib ay horey u qaateen qori noociisu yahay AK47 oo uu ku hubeysnaa askariga la toogtay.