Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Maanta Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dilkan uu ka dhacay bartamaha laamiga,isla markaana waxaa Askarigaas falka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo xiligas ku sugnaa meel aan sidaas u fogeyn,iyagoona goobta ka qaaday Meydka Askariga.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaaan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.