Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Jowhar ee casimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in bartamaha magaalada uu dil ka geystay Askari ka tirsan ciidamada maamulkas in uu dil ka geystay.
Dilkaan ayaa loo geystay nin Kallumaysato ahaa iyada oo muran uu soo kala dhexgalay Askariga iyo ninka la dilay kadibna uu muranku sababay in rasaas lagu dhufto iyada oo la weydiinayay ninka Kalluumaysatada ah 5-kun oo Shilin  Soomaali ah.
Dilka kadib Askarigii ayaa la sheegay in uu goobta iskaga baxsaday Meydka ninkki uu dilayna goobta ay ka qaadeen dadkii Suuqlayda ahaa,dhinaca kalana ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabelle ayaa iyaguna goobta gaaray markiiba.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dilkaas waxaana dad ka caraysan qaabka uu Askarigaas ula dhaqmay ninkaas iyo dilka uu u geystaybo ay xiren isku socodka dadka iyo gaadiidka.