Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed halkaas uu ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa shacab.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Gelinkii dambe ee Maanta,isl markaana waxaa geystay askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo rasaas qeybaha Sare ee Jirka ugu dhuftay Ninka shacabka ahaa.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Marxuumka la dilay uu watay gaari nooca raaxada ah,waxaana lagu toogtay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub, halkaasi ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qaar kamid ah Ehelada Ninkaas ayaa goobta uu falka ka dhacay tegay,iyagoo halkaas soo qaaday Meydka Marxuumka.
Dhinaca kale warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in markii uu ka dhacay falka dilka ahaa kadib hawada laga saaray shirkadaha Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo iyo kuwa Internet-ka,welina lama oga sababta keentay arrintaas.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilkii ka dhacay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub xili uu halkaas ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.