Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dishay haweeney la sheegay inay goob ganacsi ku laheyd halkaas.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkaas ay haweeneyda u geysteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,iyadoo rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkeeda u geeriyootay.
Sidoo kale Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maama Xadiyo,waxaana da’ ahaan lagu qiyaasay 80 Sanno,waxaana gudaha Suuqa Bakaaraha ku laheyd goob lagu iibiyo Shaaha,isla markaana ay aheyd qof Caanka halkaas,waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii fuliyay falka.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumada iyo Ciidamo kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,isla markaana goobta ka qaaday Meydka Haweeyneyda,iyadoo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo diley haweeneyda Shaaha ku iibin jirtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilal horey uga dhacay Suuqa Bakaaraha oo ay geysteen rag ku hubeysnaa Bastoolado.