Wararka Iadacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xaafada Black Sea degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj.
Rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saakay Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Bajaajle ahaa, iyadoo la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen.
Dadka deegaanka qaarkod oo la hadlay Idaacada dasan ayaa sheegay kooxda dilka geysatay in ay rabeen, marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday dadka deegaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii,inta badan Darawalada Mooto Bajaajka kixeysa ayaa tacadiyo kala duwan la kulma taas oo ay ugu badantahay dilalka iyo dhaawac askarta dowladda iyada oo sidoo kale ay u gaarsadaan kooxo burcad ah oo dhac u geysata.