Wararka aan ka heleyno degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland iyo rag Maleeshiyaad ah oo deegaan degan.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Booliska oo ka baxay Magaalada Garoowe ay tageen Burtinle, iyagoona isku dayay inay dumiyaan goob lagu ganacsanayay oo ku yaalla halkaas, hayeeshee ay arrintaas diideen maleeshiyaadka.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaal kooban oo daqiiqado socday uu ka dhacay gudaha degmada Burtinle, isla markaana uu dagaalkaas geystay Khasaaro isugu jiran dhimasho iyo dhaawac.
Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhexmaray Ciidanka Booliska iyo Maleeshiyaadka hubeysan, waxaana ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidanka, kaasi loo qaaday dhinaca Magaalada Garoowe.
Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadkii hubesysnaa, waxaana markii hore la sheegay in Ciikdanka ay doonayeen inay dumiyaan goobo lagu ganacsanayay oo ay ku sheegeen in loo baahan yahay in la dumiyo.