Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Culus oo weli ka socda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee Dowladda Federaalka iyo Ciidamo hubeysan oo u abaabulan hab qabiil.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidanka dowladda ay habeeno kahor Gaalkacyo ku xireen Nin la sheegay inuu Ganacsade ahaa, isla markaana tallaabada lagu xiray Ninkaas ay ka caroodeen Ciidanka hubeysan, sidaasina ay weerar ugu qaadeen Saldhig ay leeyiihiin Ciidanka dowladda.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan uuna dagaalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Laba ruux oo labada dhinac ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka 12 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la dhigay Isbitaaka guud ee Gaalkacyo, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa aaga uu socdo dagaalka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka eek u sugan Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan weerarkii Maanta lagu soo qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaas.