Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalo u dhaxxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab ay ka dhaceen halkaas.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo cusub oo ciidamada Milartariga Somalia ay ka sameysteen deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan.
Dad ku sugan deegaanada Sabiib iyo Caanoole ayaa u sheegay dalsan in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ka dhaceysa deegaano ku dhow Sabiib iyo Canoole oo ciidamadu ay ka sameysanayeen Fariisimo hor leh.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas hase’ahaatee Al-shabaab ayaa maalmahaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadayay deegaanada ay la wareegeen ciidamada gaarka u tababaran ee Miltariga Somalia.