Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha goose waxaana dagaalkaas uu geystay khasaaro Kala duwan.
Sida Idacada dalsan ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah Alshabaab ay weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobalka shabeelaha hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal culu oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa Kala duwanan.
Ugu yaraan 2-ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas waxaana saakay degan xaladda deegaanka Buulo-mareer ee gobalka Shabeelaha hoose oo xalay uu ka dhacay dagaalkaas,saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen AlshabaaAlshabaab.