Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan AMISOM xili ay wadeen howlgal ay ku baneynayeen Wadada Haansheekh ee tuulada Gololeey halkaas oo noqotay mid howd ah isla markaana dhowr Mar Ciidamada dowladda lagu weeraray.
Dadka ku nool Degmada Balcad ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta la’isku adeegsanayay dagaalka balse aysan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.
Xaalada ayaa saakay ayaa ah mid degan,waxaana Goobtii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada maamulka degmada Balcad.
Gudoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa isna sheegay in dhawaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan tuulooyinka ay ka joogaan Shabeellaha Dhexe.