Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa deegaano ka mid ah gobolada Baay iyo Bakool uu dagaal culus ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Ceelbarde Iyo Xudur.
Dagaal mudo socday ayaa la sheegay in uu halkaasi labada dhinac ku dhex maray,wxaana la sheegayaa in uu dagaalkaas sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah in kastoo aan weli tirada rasmiga ah la shaacin.
Al-Shabaab aya Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka wxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 4 skari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya balse majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya.
Dhinac kale waxaan la xiriirnay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya si aan wax uga weeydiino weerarkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.