Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna.
Dagaalkaan ayaa markii hore yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay rasaas ku fureen gaari kasoo baxay Xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka Ahlusunna, isla markaana isku dayay inuu xoog ku maro Koontarool ay ku sugnaayen Ciidanka dowladda.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in gudaha Magaalada Caawa laga maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayan labada Ciidan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaalad cakiran ay jirto agagaarka Xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Xaruntaas dabaq agteeda ka dhow rasaas ka ridaya Ciidamo ka tirsan dowladda.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaal Caawa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ka jirta xaalad kacsanaan ah.