Wararka Caawa naga soo agaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wax ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafada Xaansholey ee ku yaalla Duleedka Magaalada Jowhar,waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay kala shakiyeen ciidamo Milateri ah oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano(Bancraft) kuwaas oo dhawan halkaasi la geeyay.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Jowhar oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu socday mudo kooban,isla markaana uu jiro dhimashada laba Askari iyo dhaawaca Shan kale kuwaas oo hadda la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar.
Xaalada Goobtii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid degan,waxaana la sheegayaa in uu jiro kulan dhex maray saraakiisha labada ciidan si xal looga gaaro dagaalkii khasaaraha ka dhashay ee Caawa ka dhacay Jowhar.
Msuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaan la xiriirnay si aan wax badan uga ogaano dagaalkaas basle kama jawaabin taleefoonadeena.