Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi saakay lagula eegtay deegaanka buurane ee duleedka Mahaaday ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,
Qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu geliyo ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa Ciidanka AMISOM kasoo gaaray Khasaaro kala duwan, iyagoona xiligii lala eegayay ku socdaalayay deegaanka buurane.
Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Brundi ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka tirro kalena dhaawacyo ay soo gaareen, iyagoona horey u qaatay Meydadka Askarta, siina watay socdaalkooda.
Intaas kadib Askar kamid aheyd kuwa kolonyada la socday ay galeen guri ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay, isla markaana halkaas ay ku dileen Haweeney ay horey u dileen Seeygii qabay, xili qarax lala eegtay.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qarax kadib ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan, kadibna markii Ciidanka AMSIOM baxeeyn tageen goobta, ayna arkeen Meydka Haweeney la dilay, iyagoona naxay falkaas.
Ciidanka AMISOM ayaa marar horey sidaan oo kale qaraxyo loogula eegtay deegaanka Buurane ee hoostega degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaaro kala duwan, iyadoona Al-shabaab ay sheegatay Mas’uuliyadooda.