Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar Culus kusoo qaadeen gudaha Degmada Balcad, iyadoona dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad iyo bar, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in mar qura saakay ay kusoo tooseen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dareemeen cabsi xoogan.
Sidoo kale ilo-wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan shabaab ay gudaha u soo galeen degmada, isla markaana xabsiga Balcad ay kasii daayeen Maxaabiis ku xirneyd, sidoo kalena ay muddo kooban heysteen Saldhiga Degmada.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayaan in Ciidan ka AMISOM markii dambe dagaalka ku biireen.
Intaas kadib Al-shabaab ayaa isaga baxay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana waxaa haatan xaaladda degmadaas ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas oo dhaceysa, ayna shaqeynayaan goobaha ganacsiga.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan oo ay uga hadlayaan weerarkii saakay Al-shabaab ay kusoo qaadeen degmadaas, mana ahan markii ugu horreeysay ee shabaab weeraraan Balcad.