Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay duleedka degmadaas ku dileen dad Shacab ah iyo waliba Duunyo.
Dilkaan ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Rasaas ku fureen Dad Shacab ah oo la socday raashin ku rarnaa Gaariyaasha Dameerka loo yaqaanay kuwaas oo loo waday Degmada Waajid isla markaana laga keenay Magaalada Baydhabo.
Dadka deegaanka qaarkood oo sababa amni dartood u diiday magacooda in labaahiyo ayaa waxa ay sheegeen in rasaastii dadkaasi lagu furay ay dishay qaar ka mid ah Dameeradii raashinka siday.
Sidoo waxaa ay sheegeen in laba ka mid ah dadkii raashinka la socday ay Al-Shabaab Gacanta ku dhigeen isla markaana mid ka mid ah ay gowraceen.
Raashinkaan ayaa waxaa lahaa sida la sheegay Ganacsato ka soo jeeda Gobolka Bakool isla markaana raashinkii ay Al-Shabaab dab qabadsiiyeen.
Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeeed Soomaaliya ayaa weli ka hadlin falkaan dilka ah ee ka dhacay duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.