Barqanimadii Maanta ayaa waxaa gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug gaar ahaan Suuqa Bartamaha waxaa ka dhacay  dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay laba maleeshiyo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kadib heshiiskii ay dhawaan wada gaareen maamulada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Ka hor dagaalka ayaa la sheegay in Askari kuwa Canshuurta qaada ah uu dilay qof rayid ah taas oo dhalisay in laba maleeshiyo ka kala socda Puntland iyo Galmudug ay wada dagaalamaan.
Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa laba ruux dagaalka Jimacada Maanta ka dhacay Bartamaha Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa wax ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,waxaana soo kala dhexgalay Ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo dhawaan Gaalkacyo la geeyay si ay u nabadeeyaan ugana hortagaan dagaalo markale dhaca.
Dagaalka Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya xili uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,isaga oo Bulshada kala hadlayay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada Magaalada Gaalkacyo.