Warar dheeraad ayaa ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro oo Caawa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay Magalada ka weerareen dhinaca xigta Jilibka Marka ee Xeebta ah,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo Saacad ku dhow socday.
Dadka ku nool Marka Dalsan waxa ay u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee dagaalamayey balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Marka iyo saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka October oo dhawaan la wareegay Magalada weli kama hadlin dagaalkaas Caawa ka dhacay Magalada Marka.
Wararkii u dambeeyey.ee haatan naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka badi ay yihiin kuwo Guryahooda ku xarooday.