Iyadoo ay jireen warar sheegayay in kooxo Burcad-badeed ah ay Afduubteen Markab kusoo jeeday Magalaada Muqdisho e Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas wax kama jiraan ku tilmaamay Hawlgalka Midowga Yurub u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya ee EU NAVFOR loosoo gaabiyo.
Waxaa ay sheegeen in Markabka oo kasoo bixitimay Dekadda Shaariqa ee Imaaraadka Carabta uu ku cilladoobay Xeebta Bareeda ee Gobolka Bari, halkaas oo in muddo ah uu ku xayirnaa.
Markabka ayaa sida ay sheegeen Hawlgalka Midowga Yurub u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya  waxa uu shidaal u siday Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka Gobolka Bari ayaa loo diray si ay u hubiyaan sababta Markabku uu xeebta ugu hakaday, balse waxaa ay xaqiijyeen in markabka ay meesha cilladi ku qabsatay, inkastoo ay Cidamada Puntland ay ka shakiyeen markii hore.
Markabka oo uu ka babanayay calanka Dalka Panama ayaa waxaa ay warbaahintu sheegeen in la afduubtay, oo uu gacanta u galay kooxo Burcad badeed Soomaali ah oo sida la sheegay gacanta ku dhigay Markabkaas, balse waxaa arrintaas beeniyay Hawlgalka Midowga Yurub u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya ee EU NAVFOR loosoo gaabiyo.