Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay bilowgii Toddobaadkan xabsiga ka sii daayeen Suxufiyiintaasi oo in ka badan 10-sanno ku jiray Xabsiga, iyadoo aan wax dacwad toos ah lagu soo oogin.
Labada Saxafi oo lagu kala magacaabo Tesfaldet Kidane iyo Salih Gama,ayaa ka mid ah Weriyayaasha Idaacadda iyo Telefishinak Dowladda Eritrea, kuwaasi oo sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.
Qaar ka mid ah Qoyska Sawir-qaade Tesfaldet Kidane oo la hadlay Idaacadda VOA, Qeybta la hadasha Afrika, waxay xaqiijiyeen  in la sii daayey, isla markaana uu ka soo tegay Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea si rasmi ah ugama hadlin sii-daynta Labadaasi Saxafi.