Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la filayaa inuu kulan qaar ah la qaato Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Kulanka dhexmari doona Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Ergeyga ayaa sida uu qorshahu yahay looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guur iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.
Sidoo kale inta uu socdo kulanka ayaa looga arrinsan doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada maamulka Hirshabeelle iyo Galmudug, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ay Qatar ka fulineyso deegaanada labada maamul.
Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana Midowga uu ka dhageystay cabasho ka dhan ah dowladda Qatar oo ay qabaan Golaha.
Al-Qahtani ayaa  shalay iyo illaa xalay kulamo gaar gaar la yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo kulankaas la qariyay.
Dowladda Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, loona arko inay dhex dhexaad tahay.