Magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxa weli ku sii qul qulaya wufuud kala duwan kuwaas oo doonaya in ay goobjoog ka noqdaan munaasabada dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.
Maanta oo Arbaco ah waxa gaaray xubno ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Wefdiga ayaa sidoo kle waxa qeyb ka ah Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo masuuliyiin kale waxaa soo dhaweyay madax uu ka mid yahay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Dhammaan Masuuliyiinta maanta gaartay Dhuusa Mareeb iyo kuwii horay u joogay ayaa wax ay ka qeybgeli doonaan Munaasabada dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna oo Saacada asoo socda ka dhici doonta Dhuusa Mareeb.