Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli lagu heshiis.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.
“Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal†Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka uga mahadceliyay booqashada u ku joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Ergeyga ka socda Qatar ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, waxaa Qatar ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay taageerida doorasho nabdoon ah oo dhacda.