Kulankaasi waxa uu maanta ka dhici doonaa Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Ankara, waana Kulankii ugu horreeyey, kadib, Doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.
Madaxweyne Erdogan waxa uu shaaciyey in guul laga gaaray Doorashaddi ku aadanyd Isbedelka Dastuurka dalkaasi, kaasi oo ah Isbedelkii ugu weynaa Taariikhda Casriga ee dalkaasi.
Waxa uu tilmaamay inay 25 million oo qof taageereen Isbedelka Dastuurka dalkaasi, wuxuuna Nidaamkii Awoodda ee Barlamaanka lagu beddelayo Madaxtooyo Awood badan
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ee CPH, Kamaal Kilijdaroglu ayaa sheegay inay Su’aal furan tahay Sharci ahaan Natiijadda Doorashadaasi.
Waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Erdogan nin doonayaKeli-talisnimo, wuxuuna ka digay Khatarta ka dhalan karta Isbedelka Dastuurka.
©Radio Dalsan