DEG DEG:-Musharax Zakariye Maxamuud Xaaji ooTanaasulay.

Musharax madaxweyne Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi ayaa goordhaweyd iscasilay kadib doorashada madaxweynaha oo kabilaabatay xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Zakariye ayaa tanasulay inta eysan bilaaban codeenta doorashada  sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo shir gudoominaya kulanka baarlamaanka ee lagu dooranayo Madaxweynaha Cusub.

Musharax Zakariye waxaa uu ka  hadlay sababaha uu utanaasulay waxaana uusheegay Faragalin qaawan oo lagu hayo doorashada, tirada musharaxiinta oo badan iyo arima kale oo isbiirsaday inay soo dadajisay Tanaasulkiisa.

Horey Waxaa utanaasulay Eng. Cabdullaahi Cali Xassan iyo Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole waxaana uu noqonayaa Zakariye Maxamuud Xaaji musharaxii 3-aad ee tanaasula, waxaana codeenta doorashada oo bilaabatay ku tartamaya ilaa 21-tan Musharax oo utaagan qabashada xilka Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media