Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Musafar Bin Qanaan Al-qarayni ayaa sheegay inay xoojiyeen Kontoroolka Badda iyo Berriga, si looga hortago Dembiilayaasha qaabka Tahriibka Daroogadda ku soo geliya gudaha dalkaasi.
Wargeyska Al-riyaadh, cadadkiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-da May waxa uu ka soo xigtay Taliyahaasi inay gacanta ku dhigeen Hal tan iyo 300 Kiilogaram oo Xashiish muddadii lagu jiray bishii Shacbaan ee la soo dhafaay ee sannadkan 1440-ka Hijiriyadda.
Hawlgalkaasi waxaa la sheegay in lagu soo qabtay 35 Eedeysanayaal shisheeye ah, kuwaasi oo kala ah: 18 Ethiopian, 11 Yemeniniyiin iyo 6 Soomaali ah.
Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi ayaa la sheegay in siyaabo kala duwan looga soo qabtay dhulka Buuraleyda dhagaxa ah ee Degmooyinka jazan iyo Najraan ee Xuduudka Koonfureed ee Sacuudiga la leeyahay dalka Yemen.
Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha Sacuudiga waxay sheegeen inay Dembiilayaasha u gudbin doonaan Maxkamadaha ku shaqada leh, si loogu fuliyo xukunnadda ay muteystaan.