Afhayeenka Ciidanka Sacuudiga ee Ilaalada Xuduudaha, Kolonel Masfar Bin Qanaam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 Eedeysane oo doonayey inay si Tahriib ah Xashiish iyo Qaad ku soo geliyaan Sacuudiga.
Waxaa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay Magaalooyinka Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga, una dhow Xuduudka Yemen.
Eedeysanayaaaha ayaa waxaa la sheegay in Wadar ahaan lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah.
Afhayeenka ayaa waxaa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah.
Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaaloo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh Dembiyada loo haysto.
W/Q: Ustaad NuuradiinÂ