Labadii Duuliye ee Turkishka ee doorka ka qaatay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee la soo riday bishii November ee sannadkii hore ayaa la xiray, kadib, markii ay ka qeyb galeen Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka ddhacay dalka Turrkiga.
Sarkaal Turkish ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP in Labadii Duuliye ee ku lugta lahaa falkii lagu soo riday Diyaaraddii Dagaalka Raashiya ee SUl-24 inay ku jiraan Qeybta Dembi barista, iyadoo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.
Sarkaalkaas la hadlay AFP ayaa sheegay inay Duuliyaashaasi la xiray, iyagoo gacansaar la lahaa Kooxihiui ku fashilmay Afgembiga, ee aan loo xirin weerarkii lagu soo riday Diyaaradda Raashiya.
Laakiin, Duqa magaalladda Ankara, Melih Gokcek ayaa sheegay inay Duuliyayaasha taageere u yihiin Sheekh Fatxullahi Gulen, isla markaana ay Duuliyayaasha u soo rideen Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiyasi ay u waxyeeleeyaan Dowladda Turkiga.
Wasiirka Garsoorka ee Raashiya, Bekir Bozda oo ay Warbaahinta Turkishka wax ka weydiiyeen Xarigaasi ayaa sheegay inay jiraan Wararka ku aadan in la xxiray Duuliyayaasha, balse wuu xaqiijin kari waayey.
Xiriirka Dowladaha Raashiya iyo Turkiga ayaa xumeeye Diyaaradda Dagaalka ee Raashiya ee lagu soo riday gudaha dalka Syria, inkastoo ay Labada dowladood bishii hore xaliyeen Khilaafkooda Diplomaasiyadeed.
Biloswga bisha soo socoto ee August ayaa la filayaa inay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Raashiya kulan ku yeeshaan dalka Raashiya, iyadoo Madaxweyne Valadamir Putin cambaareeyey Afgembigii Fahilmay ee bishan July 15-dii ka dhacay dalka Turkiga.
Xigasho: Aljazeera
©Radio Dalsan