Dalka Malawi waxaa ku dhufatay duufaan xooggan, taas oo dishay illaa 40 qof, halka la hakiyey duulimaadyadii dalkaas tegayey, kuwaas oo loo weeciyey dalalka deriska ah, sidoo kalena waxaa la xidhay dugsiyadii waxbarashada.
Duufaantan ayaa ku dhufatay dalkaas, tan iyo maalintii Jimcaha, waxayna khasaare ba’an soo gaarsiisay ugu yaraan 10 degmo oo dalkaas ka mida oo ku yaalla dhinaca koonfureed, sida laga soo xigtay hay’adda masiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaas.
Dawladda ayaa hakisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee iman jiray garoonka caalamiga ah ee Chileka, Axaddii iyo Isniintii.
Afhayeen u hadlay ciidanka booliska ee dalkaas ayaa sheegay in khasaaraha dhimashadu uu sii kordhayo, lagana yaabo inuu kor u dhaafo, tirada haatan la ogyahay.