Maalmahaan waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagneed xiisad ka dhalatay xilka qaadis uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ku sameeyay Duqii degmada Baladweyne.
Hayeeshee waxaa Maanta sirasmi ah duqa degmada Baladweyne xilka uga qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle,iyada oo duq Cusub loo Magacaabay degmadaas.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in kadib markii uu duqa Baladweyne uu ku dhaqaaqay amar diido iyo xil gudasho la’aan iyo soo jeedin ka timid Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Hiiraan in xilkii laga qaaday duqii degmada Baladweyne Cali Cabduqaadir Faarax(Sandheere).
Hoos Ka Akhriso Wareegtads.