Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay 19 Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish oo ku sugnaa Gacan-biyoodka Siinaay.
Duqeyntaasi waxaa kaloo lagu burburiyey 4 gaari oo ay Kooxdaasi lahaayeen.
Hawlgalkan ayaa yimid 2 maalin kadib, markii ay Boliska sheegeen inay dileen mid ka mid ah Kooxdaasi oo ku lug lahaa weerar horaantii isbuucan lagu dilay mid ka mid ah Boliska oo ilaalo ka hayey Kaniisad.
©Radio Dalsan