Dowladda Federaalka  Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday dagaalamayaasha Al-Shabaab gaar ahaana deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka akasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri†Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab.
Dhnaca kalana qoraalka ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo dadka rayidka ah kazoo gaartay duqeyntaas islamarkaana ay aad uga taxadareen dhinacyada howlgalka fuliyay.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa iayada oo Alshabaab ay aroortii hore ee shalay weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka Sh/hoose oo ay ka mi tahay Ceelsaliini iyo degmada Qoryooley ee gobolkaas iyada oo dhinacyadu ay guulo ka kala sheegteen.