Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in  duqayn diyaaradeed ay ka dhacday nawaaxiga magaalada Kunyo Barrow ee Gobolka Shabeellda Hoose iyada oo warar kala duwana ay kasoo baxayaan duqeyntaas iyo khasaaraha ka dhashay.
Duqeyntaan ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo xiligaas marayay nawaaxuga Kuunyo-barrow,Ilo ku dhow dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqayntan lala beegsaday laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo weerarka lagu dilay, sida ay muujinayso xogta laga helay ilaha dawladda.
Alshabaab weli wax war ah kama aysan soo saarin duqeyntaas ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha hoose,iyada oo shalay dowaladda Soomaaliya ay shaaca ka qaadday in ay dishay madixii qaraxyada Alshabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose.