Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab waxa ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday meel 150 km Koofur galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan Gobolka Baay.
War qoraal ah oo lagu qoray Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan dhanka cirka ah ay ahayd mid Al-shabaab looga dul-qaadayo dadka deegaanka,isla markaana iyaga oo ka qaadaya lacago baad ah,ayaa lagu yiri war lagu qoray Wakaaladda SONNA.
Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa doonaya in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya, iyagoo marka walba hubinay in aan khasaare dhimasho ama dhaawac soo gaarin Dadka rayidka ah.