Inkasta oo weli kooxda Alshabaab ay awood ahaan kordheyso ayaa hadana waxaa aad loogu gumaadey weerada dhanka cirka ah ee ay fulinayaan dowlada saaxibada la ah dowlada Soomaaliya .
Tusaalle ahaan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe duqeyn ka dhacdey maanta waxaa lagu diley lix sarkaal oo uu ku jiro madaxa wilaayada Jilib & jubbooyinka sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka wasaarada amniga dalka.
Alshabaab dhankooda ma faahfaahin jabka weyn ee soo gaarey laakiin dowlada Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay saaxibada caalamka dadaalkooda la xiriira ciribtirka argagixisada Alshabaab . Inkasta oo weerada cirka ah ee ka dhanka ah Alshabaab ay socdaan waxyeeladu kuma koobna kooxda oo keliya .
Marar badan waxaa dhacdey in ay waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah oo u badan reer miyi xoolo dhaqato ah .
Dadkaas oo aan helin u garaabid & cid wax iska weydiisa ayaa dhowr mar ka hadlay sida ay dhib ugu qabaan duqeymaha ayaa Dowlada Soomaaliya ka codsadey in ay kala saarto beegsiga argagixisada & dadka ku dhex nool goobaha ay ka arrimaha Alshabaab .
Argagixisada Alshabab ayaa weerarada dhanka cirka looga diley dhowr jeer oo horę saraakiil sarsare oo iyaga katirsan waana tan ay ugu neceb yihiin marka laga hadlayo dagaalka ay kula jiraan dowlada Soomaaliya. Soomaaliya ma laha diyaarado ay iskood u adeegsadaan balse waxay caawin ka helaan wadamada reer galbeedka oo dhanka hawada ka siisa taagero jab u ah argagixisada.
By Ikraan Ali Hashi .