Wararka aan ka heleyno gobolka Bay ayaa sheegaya in duqeyn iyo weerar toos ah xalay lagu qaaday xero ciidan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buula-Fulaay oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Sida ay ilo wareedyo sheegayaan, laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa duqeyn la beegsaday xerada, iyagoo ku dhuftey ilaa labo gantaal. Weerarkan kadib, ciidamo kumaandoos ah ayaa diyaaradahaas ka degay, waxayna xoog ku galeen xarunta Al-Shabaab ee la bartilmaameedsaday.
Saraakiil ka tirsan guutada Danab ee ciidamada Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in hadda ay gacanta ku hayaan xarunta la weeraray. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay, maadaama uu ka dhacay xilli habeen ah.
Dhanka kale, isla xalay, duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay sarkaal sare oo la sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Sarkaalkaas oo magaciisa lagu sheegay Macalin Ibraahim Abuu Xamza ayaa la beegsaday xilli uu la socday kolonyo gaadiid ah oo ka baxday Jilib.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Abuu Xamza uu ahaa isku xiraha ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, isla markaana uu kamid ahaa xubnaha muhiimka ah ee kooxda. Warbixinta ay saraakiishu bixiyeen waxay tilmaamaysaa in weerarkan lala eegtay gaadiid uu la socday sarkaalka, iyadoo la rumeysan yahay in xubno kale oo Al-Shabaab ah ay ku dhinteen.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii dambe ay kordheen duqeymaha lala beegsanayo hoggaanka sare ee Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe. Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ay maamulaan ayaa noqotay bartilmaameed joogto ah, waxaana duqeymahan inta badan fuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalalka reer Galbeedka.
Sidoo kale, sirdoonka dowladda Kenya ayaa dhawaan shaaciyay in magaalada Jilib ay tahay halka ay Al-Shabaab ku farsameeyaan qaraxyada ugu badan ee ay ka fuliyaan gobolka. Arrintan ayaa sababtay in duqeymaha lagu bartilmaameedsado magaalada ay sii kordhaan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan weerarada lagu qaadayo xarumaha iyo hoggaanka sare ee Al-Shabaab.