Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu daah-furayay Waddooyinkii xirnaa ee Caasimadda dalka oo qaar kamid ah la furay.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho markii dowladda Federaalka ay u xirtay sababo la xiriira amniga, isla markaana xirnaashaha waddooyinka ay dhibaato farabadan ku qabeen shacabka Gobolka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in weli ay jirto caqabadihii loo xiray waddooyinka, hayeeshee inta la awoodi karay dhagxaantii lagu jaray laga qaaday, isla markaana waxaa uu arrintaas ku tilmaamay tallaabo wanaagsan.
Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayuu sheegay in muddo badan ay ka shaqeynayeen sidii furi lahaa waddooyinka, Balse qaar kamid ah la furay, wuxuuna Carabka ku dhuftay in la furi doono kuwo kale ee harsan.
Ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Finish ayaa shacabka kunool Gobolka Banaadir ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda Federaalka, si looga hortego falal amni darro eeb xiliyada qaar ka dhaca Caasimadda dalka.