Maalma kahor Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa waxa uu shaaciyey in Xafiiskii sa ay saf ugu jiraan Xildhibaano taasina ay keentay in uu Shacabka u Shaqeyn waayo.
Hadalkaas ayaa Warbaahinada kala duwan ee dalka waxa ay u qaateen siyaabo kala duwan balse guddoomiye Yariisow uu haatan raali gelin u diray Xildhibaannada.
“Xildhibaanada sharafta leh ee BFS waxaan ka raalli gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan Shacabka waqti badan u helo.
Wax faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin guddoomiye Yariisow caqabada keentay in Xildhibaannada uu raali gelin siiyo kadib hadalkii ka soo baxay marka laga reebo in sixun hadalkaasi loo fasiray.